Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Soomaaliya oo laga qaado cunaqabataynta hubka ay dalka u fiicanthaay balse laga rabo dowladda Soomaliya inta aan la qaadin hanaan adag oo hubka lagu kontoroolayo.
Saafiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Stephen Michael Schwartz oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog ayaa xusay in aan la rabin in hubka Soomaliya ay soo iibsaneyso uusan gacanta ugalin xarakadda Alshaab.
Safiirka Mareykanka: Qaadista cunnaqabateynta waa arrin aad ugu wanaagsan Soomaaliya, si marka loo gaaro waxaa looga baahan yahay Soomaaliya nidaam lagula xisaabtami karo hubka ay haysato, nidaamkaasna weli lama hayo but annaga iyo kuwa kaleba waxaan si dhaw ula shaqeynaa ciidamada Soomaaliya iyo wasaaradda gaashaandhigga si ay awood ugu helaan si arrintaas loo gaaro, hadda cunnaqabateyntu waa mid xadidan Soomaaliya waxaa looga baahan yahay inay la socodsiiso guddiga qaramada midoobay marka ay keensaneyso hub nuucuu yahay ha ahaadee halka laga keenayo iyo ujeedada taariikhdana ma aysan dhicin in qaramada midoobay ay iska indha tirto codsi, sanadihii ugu dambeeyeyna Soomaaliya waxay keensatay in ka badan 30 milyan oo rasaas ah iyo in ka badan 20 kun oo qori marka waxaan isleeyahay nidaamka jira kuma adka Soomaaliya laakiin waxaan waafaqsanahay inay Soomaaliya xal u hesho sidii hubkaas loogula xisaabtami lahaa maxaayeelay ma dooneyno in hubkaas laga iibiyo ama gacanta u galo Alshabaab iyo dad la mid ah.




From the comments