Air Arabia ayaa sheegtay in wixii ka dambeeyay 4 July 2017 ay duulimaad toos ah ku tagi doonto magaalada Hargeisa, ee maamulka is magacaabay ee Somaliland.
Air Arabia oo horay uu duulimaadkeeda Afrika u jiray ilaa 2004-tii ayaa waxaa ay tagtaa lix goobood oo ay ku jiraan Masar, Suudaan iyo Kenya.
Duulimaadka Cusub ee Hargeisa waxaa uu ahaan doonaa 2 jeer todobaadkii, Talaadada iyo Jimcaha, iyada oo ka soo kici doonta Sharjah International Airport (SHJ) saacadda 03:45 iman doontana Hargeisa Egal International Airport (HGA) saacadda 06:15.




From the comments