Dalka Mareykanka ayaa sheegaya in ay jiraan shirkado dalkaasi ah oo baaritaan xagga shidaalka ah ku sameeyay qeybo ka mid ah Soomaaliya.
Hadalkan waxaa sheegay safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Michael Schwartz mar uu wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News, safiirka waxaa hadalkiisa ka mid ahaa:
“Shirkada Mareykanka ee shidaalka baara horey ayey u maalgeliyaan Soomaaliya waxayna ka sameeyeen baaritaanno ku aaddan shidaalka Soomaaliya sanado badan ka hor ma garan karo 30kii sano ee ugu dambeeyey wax lagu fikiray laakiin waxaa jiray shirkado waaweyn oo baara shidaalka kuwaasoo eegayey inay meelo fursado ka jiraan marka waxaan isleeyahay inay jiraan shirkado Ameerikaan ah oo shidaalka baara kuwaasoo s taxadar leh u eegaya Soomaaliya iyo haddii ay maalgelin karaan Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan.




From the comments