Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa la sheegayaa in jimcihii uu booqasho ku tagay dalka Sacuudiga si uu u dhex-dhexaadiyo dalalka Sacuudiga iyo Qatar.
Cavusoglu iyo Boqor Salmaan ayaa ku wada hadlay magaalada barakeysan ee Makka, ilo ku dhaw kulanka waxaa ay sheegeen in uu wada hadalka u dhacay si wanaagsan.
“In kasta oo Sacuudiga uu qeyb ka yahay mushkiladda hadana Boqor Salmaan waxaa uu qeyb ka yahay xal doonka” sidaa waxaa yiri wasiirka arrimaha dibadda Turkiga.




From the comments