Xiisadda ka dhalatay go’doominta Sacuudiga ee dalka Qatar waxaa ay soo gaartay qaaradda Afrika sida khilaafkan cusub ee Djibouti iyo Eritrea.
Wasaaradda arrimaha dibadda Djibouti ayaa sheegtay in ciidamo Eritrea ka socda ay qabsadeen dhulka lagu muransanyahay ee ay ka baxeen ciidamada Qatar.
Djibouti waxaa ay soo qaadatay in ciidamada Qatar ay ka baxeey dhulka u dhaxeeya labada dal 12-13kii bishan, isla maalmahaasina lagu arkey Eritrea oo la wareegtay buurta iyo Jaziiradda Dameerey oo Ku taalo xaska labada dal Ku muransan yihiin.




From the comments