Rag ku hubeysan bistoolado ayaa caawa waxay magaalada B/weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ku dileen Ibraahim Cismaan Muumin oo u shaqeynayey NGO gacnta ku haya dib u habeynta Tiyaatarka Qaranka ee B/weyne.
Dilkan ayaa ka dhacay Xaafadda Howlwadaag ee magaalada B/weyne, waxaana goobta ka baxsaday raggii dilkaasi ka dambeeyay.
Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabelle ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in shaqsigan la dilay aad looga garanayey guud ahaan Hiiraan, islamarkaana maalmihii ugu dambeeyay ku mashquulsanaa dhismaha tiyaatarka.




From the comments