Agaasimaha guud ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/sare Maxamed Aadam Koofi, ayaa sheegay in dowladda Norway ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliga gaar ahaan diblomaasiga, isagoo xusay in dabayaaqada sanadkan Norway ay Soomaaliya u soo diri doonto khubaro eegeya qabka loo bixiyo baasaboorka Soomaaliga.
“Baasaboorkiina waa baasaboor electronic ah oo lagu kalsoonaan karo oo ay cida mas’uul ka tahay ayaan u sharaxney waana nala qaateen, waxaana rajeynaynaa in ay imaan doonaan Soomaaliya sanadkan qolyo u qaabilsan aqoonsiga documentiyada kadibna ay qiimeyn ku sameyn doonaan,” ayuu yiri Koofi.
Maxamed Aadan Koofi, agaasimaha guud ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa ka codsaday madaxda dowladda iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed ee heysta baasaboorada ajnabiga ah in ay qaataan baasaboorka Soomaliga marka ay dalka ka dhoofeyaan oo ay ka qeybgalayaan shirarka caalamiga ah.




From the comments