Aas ay ka soo qeyb galeen Xildhibaanno, mas’uuliyiinta dowladda federaalka ah iyo shacabka badan ayaa shalay loo sameeyay Xildhibaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Maxamed Maxamud Samatar oo ku magac-dheeraa Shukri Shaarweyne, kana tirsanaa xildhibaanadii dowladdii KMG aheyd ayaa ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.
Qoraal ay heshay Goobjoog News waxaa lagu sheegay in Xildhibaanka u xanuunsanaa Sonkor, isla markaana uu muddo la xanuunsanaa, sababtaana u geeriyooday.




From the comments