Film sameeyaha Hollywood-ka Renny Harlin, oo horay u sameeyay Filimo ay ka mid yihiin Die Hard 2 iyo Cliffhanger, ayaa haatan waxaa uu heshiis la galay shirkad Shiinaha ah si uu Filim cusub uga sameeyo Burcad badeedda Soomaalida.
Filimkan oo loogu magac-daray Operation Somalia waxaa ku baxeysa lacag dhan ($30 million, waxaa iska kaashanaya shirkado badan sida Mythological Universe, Mailang Pictures iyo Jindun Film & Television Center.
Sheekada Filimka waa sheeko dhab ah oo ka dhacday Soomaaliya, waa maraakiibta Shiinaha oo burcad badeedda ka bad-baadinaya afduub ay geysteen.




From the comments