Xaaf Oo Ku Dhowaaqay Caasimadda KMG Ee Galmudug
Sheeko:Dalka
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa wareegto ku magacaabay caasimadda KMG ee maamulka Galmudug.
Xaaf ayaa sheegay in degmada Cadaado ee Galgaduud ay tahay caasimadda KMG ee Galmudug, ayna sii ahaan doonto inta ay uga guurayaan caasimadda rasmiga ah (Dhuusamareeb) lana dhameynayo wadahadalka.
Wareegtada ayaa sidoo kale lagu faray dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka iney wixii mashaariic ah ee ay kala shaqeynayaan Galmudug ay ka fuliyaan degmada Cadaado.
Hoos ka ahkriso
Goobjoog News