Qaraxa maanta ka dhacay degmada Wadajir gaar ahaan xarunteeda waxaa ay waxyeelo ka soo gaartay qaar ka tirsan mas’uuliyiinta degmada.
Sida ay sheegayaan warar ay heshay Goobjoog News, Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar C/laaahi Xasan waxaa soo gaaray dhaawac fudud, waxaana la sheegaa in xaaladiisa aad u fiican tahay.
Waxaa jiray oo kale in goobta ku geeriyooday mid ka mid ah mas’uuliyiinta Sportiga degmada halka uu ku dhaawacmay guddoomiyaha Sportiga degmada Wadajir.




From the comments