Qarax aad u xooggan islamarkaana loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa goor dhow wuxuu ka dhacay nawaaxiga xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Dhawaqa qaraxan ayaa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho, waxaana warar kala duwan kasoo baxayaan in gaariga uu saarnaa qof is qarxiyey iyo in kale.
Waxaa qaraxan ka dhashay khasaare kala duwan, inkastoo weli si rasmi ah aan loo hayn khasaaraha inta uu la egyahay.




From the comments