Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka wada Tirsan dowladda uu ka dhacay degmadaasi, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii la sheegay in ciidanka qaabilsan amniga degmada Afgooye ay isku dhaceen ciidan kale oo qaadayey lacag canshuur ah oo aanu maamulkaasi ka warhayn.
Hal ruux oo shacab ah ayaa ku dhintey dagaalkaasi, waxaana ku dhaawacmay mid kale, sida Goobjoog News u xaqiijiyey goob jooge ku sugan degmada Afgooye.




From the comments