Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Qatar Sheikh Maxamed Binu Cabdiraxmaan Aala Thaani ayaa sheegay in dowladda Qatar aysan wada hadal la geli doonin dowladaha u jaray xiriirka Diblomaasiyadeed iyo midka ganacsiba inta ay saarantahay Qatar xayiraada.
Wasiirka ayaa waxa uu caddeeyay in wadahadal kasta oo ku saabsan dhibaatada ka jirta Khaliijka ay waajib tahay marka hore in Qatar laga qaado xayiraadda .
Wasiirka arrimaha dibadda Qatar ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in Qatar ay muujisay in arrinta Khaliijka laga wadahadlo markii ay bilaabatay dhibaatada, balse waxa uu sheegay in aysan Qatar aysan isku dhiibeyn dalab kasta.




From the comments