Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble wuxuu xil ka qaadis ku sameeyay wasiirkii wasaaradda maaliyadda ee maamulkiisa, isaga oo wasiir cusub magacaabay.
Waxaa xilkan laga qaaday Maxamed Maxamuud Cabdulle, iyadoo wasiirka maaliyadda Hirshabelle loo magacaabay Zaki Cabdi Xaraare.
Madaxweyne Cosoble ayaa sheegay in loo baahan yahay dardar shaqo oo dhanka wasiirada ah, wuxuuna wasiirkan cusub ku sheegay shaqsi isbedal maaliyadeed keeni kara, howsha loo dhiibayna uu si aad ah u yaqaanno.




From the comments