Xilli shalay maamulka Ahlusuuna waljamaaca ee gobollada dhexe ee Soomaaliya uu deegaanadooda uu ka mamnuucay lacagaha shilin Soomaaliga ah kuwaas oo loo soo qaado magaalada Mugadisho si lacag doolar ah loogu badalo ayaa waxaa soo dhaweeyay dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Dhuusomareeb.
Qaar ka mida ganacsatada ku nool deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Ahlusunna waljamaaca ayaa soo dhaweeyay go’aanka ka soo baxay maamulka gobollada dhexe kaas oo lagu mamnuucay lacagihii loo soo qaadi jiray magaalada Mugadisho.
“ Magaceygu waa Mursal Cali Xaashi degan magaalada Guriceel haddii aan ka hadlo saameynta ay leedahay lacagta uu mamnuucay maamulka ee Mugadisho loo qaado deegaanka waxay ku tahay dhibaato waxayna ku leedahay saameyn nidaam guur lacageed ah”.




From the comments