Xildhibaan Maxamed Cadow oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa kahor yimid xil ka qaadis uu maalintii shalay ahayd madaxweynaha maamulkaasi ku sameeyay wasiirkii maaliyadda ee maamulkaasi.
Waxa uu sheegay xildhibaanka in madaxweyne cosoble uu jebiyey heshiis Todobaadkii hore ay xildhibaannada iyo isaga ku gaareen magaalada Jowhar kaasi oo ahaa mooshinkii ay wadeen xildhibaannada in la joojiyo iyo sidoo kale in madaxweynaha aanu isbedal ku sameyn golahiisa wasiirada muddo Saddex Bil ah.
“Madaxweynaha waxa uu jebiyey heshiis aan la galnay haddii aan nahay xildhibaannadii mooshinka ka keenay isaga, ballantu waxay ahayd inaanu madaxweynaha sameyn isku shaandheyn ama xil ka qaadis wasiirada ah iyo sidoo kale annaguna inaan la laabanno mooshinka” ayuu yiri xildhibaanka.




From the comments