Qarax loo adeegsaday gaari ayaa maanta ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.
Sawirro laga soo qaaday goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa muujinaya burbuka iyo khasaaraha uu geystay qaraxan, waxaana qaraxa fuliyey qof naftii hure ah oo gaariga ku dhuftay albaabka saldhigga Waaberi.
Weli tiro sax ah lagama hayo dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay qaraxan, balse goobta waxaa gaaray gaadiidka gurmadka oo dhaawacyo badan daabulay.





From the comments