Maamulka Ahlu-sunna waljamaaca iyo maamulka Hirshabeelle ayaa waxay heshiis dhowr qodob ka kooban ka gaareen colaadda ka taagan deegaanka Baanyaanley ee gobolka Hiiraan.
Heshiiskaan ayaa waxaa u matalayay maamulka Ahlu sunna waljamaaca madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Cali Baashi Faarax, halka maamumka Hirshabeelle uu ka socday wasiirka dib u heshiisiinta Yuusuf Axmed Dabogeed.
Heshiiskaan ay gaareen labada maamul ayaa waxaa ka mid ahaa qodobada ka soo baxay in la kala qaado maleeshiyo beeleedka ku dagaalamay deegaanka Baanyaanley ee gobolka Hiiraan iyo in gogol nabadeed la iskugu yimaado tobanka bisha soo socota.




From the comments