Gaas Oo Baaq u Direy Dhallinyarada
Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo waxa uu ugu baaqay in ka feejignaadaan fikradaha Al-shabaab iyo Tahriibka.
Waxa uu sheegay Gaas in dhallinyarada ay yihiin ubaxii dalka, islamarkaana loo baahan yahay iney eegaan Mustaqbalkooda dambe intii ay ku degdegi lahaayeen ku biirista Al-shabaab ama badaha ay naftooda ku haligi lahaayeen.
“Dhallinyaradeenna maanta waxay ku dhammaaadeen badaha iyo Argagaxisada oo madaxa ka xadda, waxaan leeyahay dalkaan idinka ayuu idiin baahan yahay eek a feejignaada Tahriibka iyo Al-shabaab, noqda kuwo maskaxdooda ku filan oo wanaagga ka shaqeeya” ayuu yiri Gaas.
Dhanka kale, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay dhallinyarada kamidka ah Al-shabaab iney kasoo baxaan oo ay dowladda isku soo dhiibaan.
Goobjoog News