Shacabka ku dhaqan Shan degmo oo ka tirsan K/galbeed ayaa lagu wadaa iney doortaan hoggaanka maamulkaasi, kadib markii bishii tagtay ay baarlamaanka K/galbeed ansixiyeen in shacabka ay cidda ay doonaan soo doortaan.
Wasaaradda arrimaha gudaha maamulka K/galbeed ayaa shaaca ka qaadday in 10-ka July ay dhici doonaan doorashooyinkaan, ayna noqon doonto middii ugu horreysay oo ka dhaca deegaannada maamulkaasi.
Shacabka ayaa dooran doona guddoomiyeyaasha iyo ku xigeennada degmooyinka Baraawe, Ceelbade, Bardaale, Xudur iyo Baydhabo.




From the comments