Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in gobolka Shabellaha Dhexe uu ka bilowday howlgallo ay sheegeen in gobolkaasi looga sifeynayo Xarakada Al-shabaab.
Mahad Xasan Cismaan, wasiirka warfaafinta maamulkaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhammaan Tuulooyinka ay ku sugan yihiin Al-shabaab ay gaari doonaan ciidamada xoogga dalka.
Waxa uu tilmaamay wasiirka in la isku furi doono B/weyne illaa Jowhar, howlgalkaanna uu yahay midkii ugu dambeeyey ee Al-shabaab ay kula dagaallamayaan.




From the comments