U bood dhigaalka

Puntland Oo Kasoo Horjeesatay Meelmarinta Xeerka Isgaarsiinta Qaranka

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa sheegay iney kasoo horjeedaan xeerka Isgaarsiinta qaranka, kaasi oo dhowaan golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ay meelmariyeen.

Wasiiru dowlaha wasaarada warfaafinta maaamulka Puntland C/fitaax Nuur Axmed Ashkar oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in ka maamul ahaan aanay shaqo ku lahayn xeerkaasi.

Waxa uu tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan xaq u lahayn in iyadoo aan la tashi sameyn ay meelmariso xeerkaasi, kuna xadgudubtay qodob kamid ah dastuurka waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Xeerkii Isgaarsiinta ee la ansixiyey Puntland dhinac kama ahan, lagamana tashan, waxaan cadeynayaa inuu yahay mid aan la tashi laga sameyn, waxaa jirtay 16-kii illaa 18-kii May lagu qabtay Muqdisho waxaan ka wada tashannay aayaha mustaqbalka Isgaarsiinta dalka, waxaan isla gaarnay arimo badan, laaakiinse qodobadaasi kuma jirin waxa la ansixiyey, waan kasoo horjeednaa haddii aan nahay dowladda Puntland, sidaan la soconno dowladda waa Federaal waxay ku dhisan tahay wadatashi” ayuu yiri wasiiru dowlaha.

Ugu dambeyn wasiir C/fitaax Nuur ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iney dib u eegto xeerkan kahor inta aan loo gudbin baarlamaanka Soomaaliya.

Goobjoog News