Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ee maamulka Koofur Galbeed Jeylaani Sheekh ayaa waxa uu sheegay in maamulka uu dadaallo ugu jiro sidii uu wax uga qaban lahaa shaqo la’aanta ka jirta deegaannada uu ka taliyo maamulkaasi.
Wasiirka oo Goobjoog News la hadlay ayaa waxa uu hoosta ka xarriiqay in maamulka Koonfur Galbeed ay ka go’antahay in shaqo abuur uu u sameeyo dhallinyarada ku nool magaalada Baydhabo iyo deegaannada hoos yimaada.
“Wasaaradda mar haddii la magacaabay waa in lala xisaabtamo si loo ogaado meesha ay xaaladuhu marayaan, wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Koofur Galbeed oo xiriir la leh dowladda dhexe waxay ku guda jirtaa sidii ay shaqo abuur ay ugu sameyn laheyd dhallinyarada ku nool deegaannada Koofur Galbeed”.




From the comments