Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo safar ku jooga magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah uu halkaasi kula kulmo qaar kamid ah madaxda wadamada IGAD.
Sida warar ay heshay Goobjoog News sheegayaan, wuxuu Ra’iisul wasaaraha madaxda uu la kulmayo kala hadli doonaa arrimo u badan xaaladda dalka.
Kheyre ayaa sidoo kale ka qeybgali doona shir madaxda IGAD ku leeyihiin Addis Ababa, balse lama oga illaa iyo hadda waxa uu shirkan ku saabsan yahay.




From the comments