Hoggaamiye ku xigeenka maamulka Ahlu-sunna ee gobollada Dhexe Cabdullaahi Xirsi Diirshe ayaa sheegay iney diyaar u yihiin wax kasta oo lagu xalinayo khilaafyada siyaasadeed ee ka jira gobolka Galgaduud.
Diirshe oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in diyaar u yihiin ka maamul ahaan in ay la yimaadaan qorsheyaal lagu xalinayo xiisadaha u abaabulan qaab beeleed iyo wax walbo oo amniga wax u dhimanaya.
Mar uu ka hadlay madaxweyne ku xigeenka arrinta ku aadan wax aka jira in wadahadal hoose la leeyihiin Galmudug ayuu sheegay inaanu jirin wax hadda socda balse ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin wax walbo oo la isugu keenayo shacabka Mudug iyo Galgaduud.




From the comments