Ganacsatada ku dhaqan magaalooyinka Guriceel iyo B/weyne kana kala tirsan gobollada Hiiraaan iyo Galgaduud ayaa bilaabay qaadashada lacagta shilin Soomaaliga, taasi oo maalmihii ugu dambeeyay diidanaayeen iney wax ku iibsadaan.
Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee degmada Guriceel iyo sidoo kale ganacsatada ku dhaqan magaaladaasi ayaa kulamo badan kadib waxaa la isku raacay in dadka laga qaado lacagta Shilin Soomaaliga, gaar ahaan midda saxda ah, iyadoo la diidayo lacagta been abuurka ah ee soo gashay suuqyada magaaladaasi.
Qaar kamid ah ganacsatada Guriceel ayaa dhowaan xabsi loo taxaabay kadib markii ay dadka ku amreen iney wax kaga iibsadaan oo kaliya lacagta Doolarka.




From the comments