Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal waxaa ka socda shir looga hadlayo manhajka waxbarasho ee dalka, kaasi oo si rasmi ah maanta uga furmay magaaladaasi.
Wasiirka waxbarashada Cabdiraxmaan xukuumadda Soomaaliya Daahir Cismaan oo maalintii Labaad ku sugan magaalada Garoowe, ayaa kulan albaabada ay u xirnaayeen la qaatay madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Cameey.
Dhanka kale, shirka waxaa jooga oo ku sugan wasiirka waxbarashada maamulka Puntland Abshir Aw Yuusuf Ciise oo sheegay in ka maamul ahaan ay kaalin ka qaadanayaan dejinta siyaasadda waxbarasho ee dalka.




From the comments