Magaalada Muqdisho waxaa maalintii Labaad ka soconayo shirka golaha amniga qaranka, kaasi oo looga hadlayo arrimo muhiim u ah amniga guud ee dalka.
Shirkaan waxaa isku horfadhiya madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada oo ka tirsan golahan, waxaana la filayaa in laga soo saaro qodobo amniga quseeya iyo sidoo kale qorshe mideysan oo ammaanka ah.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa shirkaan shalay furay, iyadoo madaxdu ay dood ka leeyihiin qorshaha amniga ee Soomaaliya.




From the comments