Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa sheegay inay mamnuuceen lacaha shillin Soomaaliga ah ee uga yimaada gobollada kale ee dalka, kadib maalmo sicirbarar ah oo soo martay deegaannada gobolkaasi.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cumar Aadan Deeqoow (Cumar Baadiyoow) ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog kaga hadlay arrimaha la xiriira khilaafka lacagta shillinka Soomaaliga oo suuqyada Baladweyne iyo degaanno kale oo gobolka ah maalmahan ka taagnayd.
Waxaa uu sheegay in badi ay xalliyeen khilaafkii oo hadda wax kala iibsashada suuqyada ay caadi ku soo noqotay islamarkaana ay soo saareen ammar ah cidna in aysan dibadda gobolka lacago shillin Soomaali ah ka keeni karin.




From the comments