Qoysas gaaraya 860, kana barakacay abaaraha ka jira deegaanno kamid ah Bakool ayaa lagu soo waramayaa iney gaareen degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Iyadoo ay ka sii dareyso abaarta ku dhufatay deegaanno kamid ah gobolka Gedo iyo roobabkii xilliga gu’a ay yaraadeen ayaa waxay taasi keentay in dad badan ay ka barakacaan deegaannadii ay ku noolaayeen.
Aadan Deeq Ibraahi, waa guddoomiyaha guddi ay leeyihiin dadkaan barakacayaasha ah ee ku sugan degmada Luuq, waxa uu Goobjoog News u sheegay in dadkan la dejiyey 4 xero oo ku yaalla degmadaasi, ayna u baahan yihiin gurmad bini’aadannimo.




From the comments