Ciidamada Somaliland ayaa maanta waxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ku xireen Cumar Cali Xasan (Serbiya) kaasi oo ka tirsan wariyeyaasha ka howlgala Goobjoog Media Group.
Cumar iyo afadiisa ayaa maanta waxay ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyaga oo booqasho la xiriirta arrimo qoys ku tagay magaaladaasi, hase ahaatee ciidamada laanta socdaalka ee Somaliland ayaa wariye Serbiya u sheegtay inuu xarig yahay.
Xaaska Cumar ayaa loo ogolaaday iney gudaha u gasho Hargeysa, halka isagana lagu xirey saldhigga Booliiska ee garoonka Hargeysa.




From the comments