Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lagu qabto shir ballaaran oo la doonayo in looga hadlo doorashooyinka dowladaha hoose ee K/galbeed.
Shirkaan waxaa ka qeybgali doona xubno ka socda wasaaradaha arrimaha gudaha ee maamul goboleedyada dalka ka jira, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo sidoo kale xubno matalaya ururka Midowga Yurub.
Waxaa la shaacin doonaa qaabka ay u bilaaban doonto doorashooyinkaan iyadoo marka ugu horreysa lagu bilaabi doono 5 degmo oo K/galbeed ah.




From the comments