Ganacsato ka kala yimid gobolka Hiiraan, Mudug iyo Deegaanno kamid ah Galgaduud ayaa shir uga furmay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, kaasi oo ku aadan sidii loo socodsiin lahaa lacagta shilin Soomaaliga ah ee dhowaan laga diiday deegaanno kamid ah gobolladaasi.
Guddoomiyaha degmada Cadaado C/llaahi C/raxmaan Xuseen oo shirkaan furay ayaa u sheegay Goobjoog News, in shirkaan uu yahay mid aad u muhiim ah.
Waxa uu tilmaamay in shirkaan la doonayo in laga soo saaro go’aanno mid ah kuna aadan in la qaato lacagta ay diideen ganacsatada iyo sida ugu sahlan ee ay arrintaasi ku dhici karto.




From the comments