Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta waxaa uu furay kalfadhiga 2aad ee golaha aqalka sare, waa golihii 2aad oo muddo todobaad ah furmaya.
Munaasabadda furitaanka kalfadhiga 2aad ee aqalka sare, waxaa kale oo joogay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Ra’siul Wasaare Xasan Khayre, waxaa kale oo goobta joogay safiirka Turkiga ee Soomaaliya.
Kalfadhiga 2aad ee golaha aqalka sare ayaa furmaya iyada oo golaha laga sugayo in uu ka doodo hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka, oo inta badan khuseeya arrimaha federaalka ah.




From the comments