Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax habeenkii xalay aha aka dhacay deegaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wararku waxay sheegayaan in gaari Deyna ah, islamarkaana siday dhulx lagana soo buuxiyey walxaha qarxa uu ku qarxay meel ku dhow bar koontarool oo ciidamada ammaanka gaadiidka ku baarayeen.
Gaarigan ayaa habeen kahor ciidamada dowladda ka shakiyeen, islamarkaana waa ay qabteen oo waxay dhigeen meel ka baxsan halka wax lagu baarayey, hase ahaatee xalay ayuu si lama filaan ah ku qarxay.




From the comments