Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya ay shirkoodii Todobaalaha ahaa ku yeeshaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.
Shirkaan ayaa la filayaa inuu shir guddoomiye Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo maalintii shalay ahayd gaaray magaaladaasi.
Waxaa ku sugan magaalada Kismaayo dhammaan wasiirada xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, iyadoo ammaanka guud ee magaalada Kismaayo aad loo adkeeyay.




From the comments