Mareykanka Oo Sheegtay In Ay Saraakiil Al-shabaab Ah Dileen

Qaramada midoobay iyo ciidamada Soomaalida howlgal ay iska kaashanayaan ayaa lagu sheegay in ay ku dileen tiro dagaal yahano ah oo ka tirsan xarakada Al-shabaab aroortii hore ee taladadii sida uu xaqiijiyay sargaal sirdoonka Soomaalida ka mid ah.
Ciidamada kumaandoosta Soomaaliyeed iyo sidoo kale labo helicopter oo ay Mareykanku leeyihiin ayaa sheegay in ay weerereen deegaano ay ka mid tahay Kunya-Barrow oo ka tirsan gobolka shebeelaha hoose.
Ciidamo tiro yar sida ay hadalka u dhigeen Al-shabaab ayuu yiri sarkaalkan isagoonan wax faahfaahin ah aanu ku darin maadama uu diiday in uu la hadlo saxaafada.
Afhayeenka Mareynkanka ee Africa Mark Cheadle ayaa sheegay in ciidamada Mareyknaka ay diyaar la yihiin wixii talooyin iyo sidoo kale howgalo ah oo ku aadan la dagaalanka Alshabab garab istaagaana xubnaha ka tirsan ciidamada qaranka soomaaliyeed ee jooga Kunya-Barrow
Xarakada Al-Shabaab oo dhankooda sheegtay in ay dileen dagaalyahano ka tirsan ciidamada mareykanka ee ka howl gala Africa.
Goobjoog News