Saddex Falastiiniyiin ah ayaa geeyirooday subaxnimadii hore ee saakay oo Jimca ahayd, kaddib markii ay is rasaaseyn dhex martay Iyaga iyo ciidamada Israa’iil, taasoo ka dhacday barxadda hore ee masaajidka barakeysan ee Al-Aqsaa, halka uu muwaadin kale oo Falastiini ahna lagu dilay meel u dhaw Baytu Laxam.
Telefishinka Al-jazeera ayaa sidoo kale ku warramaya in iska hor imaadkaas eey ku dhaawacmeen laba askari oo Israa’iiliyiin ah.
Iska hor imaadkaan ayaa ah kii labaad oo saddex tobobaad gudahood ka dhacay deegaanka QUDUS, sidoo kale wa kii ugu horreeyay ee ka dhaca gudaha Masjidka barakeysn ee AQSAA.




From the comments