Xildhibaanada Golaha shacabka waxaa maanta hortagay Wasiirka maaliyadda dalka C/raxmaan Ducaale Bayle isagoo faah faahin ka bixiyay Miisaaniyada sanadkan 2017 iyo xisaab xirka miisaaniyada 2015 iyo 2016.
Bayle ayaa sidoo kale xilhibaannada Golaha shacabka u qeeybiyay buugga hindise sharciyeedka isgaarsiinta qaran, iyagoo xildhibaannada dib ay kaga doodi doonaan buuggaasi loo qeeybiyay.
Wasiirka oo ka hor hadlay xildhibaannada Golaha shacabka ayaa sheegay in si wanaagsan ay uga doodaan xildhibaannada buugga loo qeeybiyay, isagoo sheegay in haddii la dhaqangeliyo wax badan ay is badali doonaan.




From the comments