Abshir Maxamed Axmed , guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee aqalka sare ayaa sheegay in maanta la bilaabay imtixaannada shaqaaleysiinta golaha aqalka sare.
Bukhaari oo saxaafadda la hadlay ayaa waxaa uu arrinkaasi ka yiri “shaqaalihii loogu talagalay aqalka sare waxaa ii dheh lagu sameeyay qeybteedii 1aad oo ah 6 agaasime Waaxeed iyo Xoghayaha guud ee aqalka sare maamulkiisa qaban lahaa, xayeysiinta la sameeyay waxaa soo codsaday 1290, arrintaas kadib, aqalka sare waxaa uu u xil saaray UNDP sameynta short listiga”
Abshir Bukhaari waxaa uu intaasi ku daray in hey’addaasi UNDP ay soo saartay 61 qof si imtixaan u galaan, si dadkaasi loo qaado imtixaan ay sameysay, maamushayna isla hey’addaasi.




From the comments