Maamulka degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa sheegay in degmadaasi iyo deegaannada hoostaga ay ka jiraan cudurro ay kamid yihiin duumada, jadeecada iyo sidoo kale shuban biyoodka.
Guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee maamulkaasi Jeelle Jeelle Maxaas Jiimbaar oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in degmada aanu ka jirin xarumo caafimaad oo dadka ay cuduradan soo ritaan lagu daweeyo, taasi oo xaaladda meel halis ah sii geysay.
Waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka in dhammaan dadka cuuradan ay soo ritaan loo soo qaado isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho si xaaladooda wax looga qabto.




From the comments