Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa diyaarado duqen oo habeenkii xalay ahaa illaa shalay duqeyn ka geystay deegaanno ka tirsan gobolka Gedo.
Diyaarado dagaal oo loo malaynayo inay leedahay dowladda Kenya ayaa duqeeyay degaannada kala ah Kabis iyo Sunuje oo jihada waqooyi kaga beegan magaalada Garbahaarey ee xarunta Gedo.
Saraakiisha degmada Garbahaareey oo ay la xiriirtay Goobjoog waa ay ka gaabsadeen inay ka warbixiyeen duqeynta dhacday waxaase degaannada ay la duqeeyay ay ahaayeen kuwa aan gacantooda ku jirin.




From the comments