Goobjoog

Dhageyso: Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Goobjoog Uga Warammay Wixii u Qabsoomay Kalfadhigii Koowaad

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News, ayaa ka warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay aqalkooda Kalfadhiggii Koowaad. Waxa uu sheegay in shaqooyin…

Dhageyso: Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Goobjoog Uga Warammay Wixii u Qabsoomay Kalfadhigii Koowaad

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News, ayaa ka warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay aqalkooda Kalfadhiggii Koowaad.

Waxa uu sheegay in shaqooyin aad u muhiim ay ay qabteen mudadii ay shaqeynayeen, wuxuuna tilmaamay iney qabteen waxyaabihii saldhigga u ahaa shaqooyinkooda.

Guddoomiye Xaashi waxa uu tilmaamay iney sameeyeen guddiyadii, xeer hoosaadkii aqalka sare iyo sidoo kale arrimo kale oo aad u muhiim ah.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in Kalfadhigooda Labaad ay hortaallo shaqooyin badan oo uu kamid yahay dib u eegista Dastuurka.

Dhanka kale Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi waxa uu sheegay iney doonayaan in dalka ay u reebaan dhaxal waxqabad oo ay ka dhaxlaan aqallada sare kale ee imaan doona.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments