Goobjoog

Faah Faahin: Shacab Ku Dhaawacmay Madaafiic Al-shabaab Ku Tuureen Baardheere

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay tiro madaafiic ah oo maanta Al-shabaab ku tuureen degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Ugu yaraan 8 (Sideed) qof oo shacab…

Faah Faahin: Shacab Ku Dhaawacmay Madaafiic Al-shabaab Ku Tuureen Baardheere

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay tiro madaafiic ah oo maanta Al-shabaab ku tuureen degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Ugu yaraan 8 (Sideed) qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay madaafiicdan oo ku dhacday xaafado ka tirsan degmada Baardheere.

Goob jooge ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News, in madaafiicdaan lala eeganayey fariisin ay ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlu-sunna ku leeyihiin duleedka degmadaasi.

Dadkii ku dhaawacmay madaafiicdan waxaa loola cararay xarumo caafimaad oo ku yaalla degmadaasi, waxaana la sheegayaa in Saddex kamid ah dadka dhaawacmay ay xaaladooda aad u liidato.

Maamulka degmada Baardheere weli wax war ah kama aanu soo saarin madaafiicdan lagu duqeeyay degmadaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments