Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadatashi ah la qaadatay dadka Qurbajoogta ah ee dalka ku sugan oo isugu jiray masuuliyiin dalka xilal ka haysa, sida Xildhibaano iyo Safiiro.
Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay ayaa ka warbixiyay waxa uu kulanka ku saabsanyahay.
“Marka hore waan idinkaga mahadcelinayaa sida aad ugu soo qaybgasheen kulanka, waxa aan idinkugu yeernay in aan idinka tala gelino habraaca aan doneyno in aan ku wajahno Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka; Qurbajoogta Soomaaliyeed waxa ay door muhiim ah ka qaateen dib u dhiska dalka waana lagama maarmaan in laga talageliyo wax walba oo horumarka dalkeenna saameeyn ku
leh” ayuu yiri Wasiirka.





From the comments