Xildhibaanno ka tirsan maamulka Puntland ayaa magaalada Garoowe ka wada diyaarinta mooshin ka dhan ah wasiirada maamulkaasi, iyadoo arrintaasi aad looga dareemayo magaaladaasi.
Warar ay heshay Goobjoog News, waxay sheegayaan in xilidhibaanno ka badan 30 ay sheegeen ineysan ku qanacsaneyn hannaanka ay u shaqeyso xukuumadda Gaas, islamarkaana ay doonayaan in wasiirada ay mooshin ka gudbiyaan.
Qaar kamid ah xildhibaannadan oo xalay kulamo gaar gaar ah ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa sheegay iney ka go’an tahay in meesha laga saaro dhammaan wasiirada hadda jooga.




From the comments