Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa kulan la qaatay odoyaasha iyo waxgaradka gobolka Mudug.
Kulankaan ayaa looga hadlay amniga guud ee gobolka Mudug, abaaraha ka jira gobolkaasi iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay abaarta saameysay.
Kulankaan ayaa inta uu socday waxaa lagu go’aamiyey sidii baaq wadajir ah loo soo saari lahaa, kaasi oo loogu baaqayo dowladda dhexe iyo beesha caalamka iney ka qeybqaataan u gurmashada dadka tabaaleysan ee xilligaan ku sugan deegaannada Galmudug, maadaama deegaannadaasi inta badan sanadkaan aanu ka da’in roobkii la sugayey, taasi oo keentay in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay soo wajahdo dad iyo duunyo ku sugan dhulka miiga ah ee gobolka Mudug.




From the comments