Maamulka Gobolka Sool ayaa sheegay iney ku guuleysteen xalinta dagaal beeleed oo maalmihii ugu dambeeyay ka taagnaa Koonfurta gobolkaasi.
Cabdi Kheyre Dirir oo ah guddoomiyaha gobolkaasi ayaa sheegay in heshiis ay kala dhex dhigeen beelihii muddooyinkaan dambe isku hayey gobolkaasi, waxaana uu tilmaamay in waxgaradka Labadaasi dhinac ay isla garteen in nabad lagu wada noolaado.
“Waxaan ku guuleysannay inaan xalinno colaad muddo ka jirtey Koonfurta Sool, waxaan isku keennay dhinacyadii dagaallamay waxgaradkooda, waxaan kala qaadnay maleeshiyaadkii, dadka hadda nabad buu ku wada noolyahay, sidoo kale waxgaradku waxay doorteen in nabad lagu wada noolaado” ayuu yiri guddoomiyaha.




From the comments