Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan hal mar bishiiba la qabto la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, kaasoo looga hadlo isbadelka dalka iyo sida shacabka Soomalaiyeed ay uga qayb qaadan karaan horumarka iyo xasillinta amniga Caasimadda iyo guud ahaan dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay ka soo qayb galayaasha kulanka inuu ugu yeeray sidii uu ugala tashan lahaa xaaladda uu dalka ku jiro iyo sida ugu habboon ee horumar lagu gaarsiin karo dalka, maadaama bulshadda Soomaaliyeed la’aantood aan la soo gaareen meesha maanta ay joogto dawladnimadu.
“Waxan idinka codsanayaa inaad si dhow ula shaqeysaan dawladdiina si meesha looga saaro cidda aan ku farxsaneyn qaranimadeena iyo kuwa caadeystay dhiigga shacabkeenna qiimaha badan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.





From the comments